|

Xildhibaan kasoo jeeda Puntland oo xilkiisa iska casilay

Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo markoodii hore aad u tira badnaa ayaa iminka waxa ay bilaabeen qaar kamid ah in xilkaasi ay iska casilaan.

Waxaa maanta is casilay oo kudhawaaqay in xilka Xildhibaannimo in uu ka tegay Saciid Xasan Shire oo kamid ahaa Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Puntland.

Waxa uu isku casilay ayuu sheegay arrimo ay ugu muuqdeen qalad iyo hormar la’aan oo dhinaca dowladda kayimid taasi oo ah in ay gacanta ku dhigto dhamaan gobolada dalka Soomaaliya  iyo waliba heshiiskii dhanka Badda ee ay wada galeen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay wax natiijo ah ka keeni weysay.

Shir jaraa’iid oo maanta uu ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Xildhibaan Saciid Xasan Shire oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayuu arrintani ku cadeeyay.

Xildhibaankani ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad ee si cad u sheega in xilkani ay isaga tageen, waxaana ka horeeyay Xildhibaan Saalax Badbaado oo markii uu ka baxay dowladda iska degay Bakaaro isaga oo aanan weli cidna kubiirin.

Tags: , ,

Jawaab ka tag