|

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Waqooyiga Muqdisho ka dhacay

Salaaddii Subax kadib ee saakay waxaa dagaal xoogan oo kubilowday qaraxyo uu ka dhacay degmooyin kamid ah waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo socday maanta saacado badan isla markaasina bilowday salaaddii subax kadib ayaa waxaa lasheegay in ay kawada qeyb qaateen Xisbul Islam iyo Alshabaab.

Hubka la isku adeegaday ayaa waxa uu soo gaarayay degmooyinka kudhaw halka dagaalka uu kasocday gaar ahaan Shangaani, Xamar weyne iyo Xamar jajab.

Waxa uu ka dhacay dagaalka dhinaca Hotel Global, Wadada Sanca iyo fariisimaha kale ee ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay halkaasi waxaana maanta inta badan uu soo gaaray khasaaraha dhinacyada dagaalka isku hayay.

Dhinaca kale Cali Muuse oo kamid ah Mas’uuliyiinta Gawaarida Gargaarka deg degga ah ayaa waxa uu sheegay in dhaawacyo badan ay maanta kasoo qaadeen qeybo kamid ah degmada Kaaraan maadaama aysan geli Karin degmooyinka kale ee dagaalka uu kasocday maadaama rasaastu ay socotay labada dhinacna aysan wax tixgelin siineynin gawaaridaasi gargaarka deg degga ah.

Waxa uu xusay in ay qaadeen 13-ruux oo dhaawac ah iyaga oo sidoo kale arkay meydadka illaa 3-ruux oo dad rayid ah kuwaasi ay ku arkeen qeybo kamid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Cali Muuse sidoo kale waxa uu sheegay in ay geeyeen dhaawacyadaasi Isbitalka Keysaneey ee kuyaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho maadaama halkaasi uu u fududaa laakiin waxa uu xusay khasaaraha in intaasi uu ka badan yahay.

Tags: , , , ,

Jawaab ka tag