Amisom oo Taangiyo wata kana qeyb qaadnaya dagaalka W/muqdisho
Galabta ayaa markale dagaal culus waxa uu kabilowday waqooyiga Magaalada Muqdisho, waxaana la isku adeegsanayaa hub aad u culus oo muqdisho qeybo kamid ah si aad ah looga maqlayo.
Dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamada Amisom, waxaana taangiyadooda ay kala soo baxeen Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyaga oo ku biiray ciidamada dowladda ee kusugan xeradii gaadiidka Booliska.
Durba markii halkaasi ay gaareen Amisom, waxaa ay bilaabeen adeegsiga taangiyadooda iyaga oo taangiyadooda iminka u adeegsanaya Ururka Alshabaab iyo xisbul Islam oo waqooyiga Muqdisho dagaalka kasocda maanta iska kaashanaya.
Jugta ayaa waxaa si aad ah looga maqlayaa qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaana ciidamada Amisom soo gelitaankooda aanan la ogeyn inuu yimid amar lagu siiyay in ay galaan iyo in ay difaac un u galeen.
Waxa uu kusoo beegmayaa xilli maanta uu warbaahinta ka sheegay Afhayeenka Alshabaab Cali dheere in ay la wareegi doonaan degmada Xamar weyne iyo agagaarka madaxtooyada taasi oo lafilayo in Amisom ay ka careysiisay oo ku kaliftay in ay ka jawaabto isla markaasina difaacdo dowladda Soomaaliya oo ah waxa Soomaaliya oo idil loo keenay.

