|

Maamulka Shabaab ee Bay iyo Bakool oo dagaal ku baaqay

Kadib markii cabsi weyn ay lasoo gudboonaatay ururka Alshabaab oo ay maqleen in Ciidamo katirsan dowladda oo ay galbinayaan kuwa Itoobiyaan ah ay soo galeen qeybo kamid ah Gobolka Bakool ayaa waxaa ay iminka ku baaqeen dagaal Ururkaasi Alshabaab.

Maamulka Ururka Alshabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay shaaca ka qaadeenin ay ka warheleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda federaalka.

Mas’uulka Gobolka Bakool u qaabilsan Alshabaab Sheekh Aadan Yare ayaa waxa uu sheegay in ay ka warhayaan dhaq dhaqaaqa Ciidamada dowladda isla markaasina ay lasocdaan kuwa Itoobiyaan ah laakiin iyagu aysan sidaasi uga aamusi doonin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ugu baaqayaan shacabka Gobolada Bay iyo Bakool degan in ay si deg deg ah arrintaasi jawaab uga bixiyaan isla markaasina ay u diyaar garoobaan dagaal xoogan oo ay la galaan ciidankaasi Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federaalka.

Alshabaab waxa ay iminka qabaan dareenka ah in dagaal xoogan uu kusoo wajahan yahay kagana soo wajahan yahay dhanka Dowladda federaalka iyo sidoo kale dhanka Xisbul Islam iyo Ahlu Sunna maadaama aanu kawada dhaxeynin wax heshiis ah halka Alshabaabna ay ka qorsheynayaan dhismaha dowlad Islaami ah oo ugu horeyn Soomaaliya maamusho kadibna geeska Afrika u gudubta.

Tags: , , ,

Jawaab ka tag