Dowladda Japan oo Dowladda Soomaaliya taageero u fidisay
Dowladda Japan ayaa lagu soo waramayaa ballan qaad buuxa in ay u sameysay dowladda federaalka taasi oo ku aadan dhinaca xoojinta iyo tayeynta ciidamada dowladda federaalka.
Mas’uul katirsan dowladda Japan ayaa hadaba waxa uu sheegay in taageero maaliyadeed ay dowladda u ballan qaadeen si Awooda ciidamadooda ay u kordhiyaan.
Wakaalada wararka ee wadanka Japan ayaa sheegtay in wasiirka arimaha dibadda ee dowalda wadanka japan oo u sheegay dhigiisa Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali in dowladda Japan ay ugu deeqeyso Dowladda KMG ee Soomaaliya 35.2 milyuun oo doolarka Mareykanka ah,lacagtaasoo ay sheegtay in la doonayo in wax looga qabto dib u dhiska ciidamada booliska ee Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kaabayaasha dhaqaale.
Dowladda Japan ayaanan aheyn dowladii ugu horeesay oo tageero maaliyadeed ugu yaboohday dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo dhawaan dowlada Jarmalka ay sheegtay in hal miyuun oo Yuuro ay ugu deeqeyso hay’adda Laanqeerta Cas si wax looga qabto arimaha bini’aadanimo iyo tan caafimaad ee ka jirta wadanka Soomaaliya.
Dowladda uu madaxweynaha a yahay Sheekh shariif ayaa ah dowlad ay beesha caalamka aqoonsan tahay laakiin la yaabka taagan ayaa noqday waxa keenay in dhaqaale ay ku taageeri waayaan maadaama ay mar waliba sheegaan in dowladda federaalka ay taageersan yihiin.

