Duqeyn khasaare geystay oo duhurnimadii maanta Muqdisho ka dhacday
Duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay duqeyn aad u xoogan inkastoo duqeynta ay iska koobneyd hadana waxaa lagu garaacay madaafiicda xaafado kamid ah kuwa ay rayidku degan yihiin.
Qori lasheegay in uu kasoo dhacayay Dhanka Madaxtooyada ayaa waxa uu ku dhacay degmada Boondheere, Wardhiigleey iyo Yaaqshiid halkaasi oo dhibaato weyn ay dadka rayidka ah kasoo gaartay.
Duqeymahani oo aanan la ogeyn sababta uu ku bilowday maadaama aanu jirin wax dagaal ah oo muqdisho ka dhacay ayaa waxaa si gaar ah duqeyntaasi loola beegsaday degmada Boondheere.
Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay degmada Boondheere kadib markii madaafiicda ay ugu aadeen goobo ay kusugnaayeen, waxaa sidoo kale duqeymaha ay kudhaceen Yaaqshiid iyo Wardhiigleey iyadoo madaafiicda qaar aanu waxba geysan.
Warar kale ayaa sheegaya in dhaawacyo ay jiraan, waxaana isku dar ahaan ku dhaawacmay duhurnimadani duqeynta dhacday illaa 10-ruux iyadoo gaadiidka gurmadka deg degga ay sheegeen in ay qaadeen 7-ruux oo dhaawac ah.
Suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaro iyo suuqa labaad ee Suuq Bacaad ayaa si weyn loo kala cararay kadib markii duqeyntaasi ay bilaabatay, waxaana cabsi badan laga qabay in suuqyadaasi laduqeeyo lakin ma aysandhicin.

