|

Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa TFG oo maanta soo gaaray Ceelbarde

Waxaa maanta degmnada Ceelbarde ee Gobolka Bakool gaaray ciidamo aad u fara badan oo kuwa dowladda federaalka ah iyo sidoo kale kuwa Itoobiyaanka ah oo ciidamadaasi galbinayay.

Ciidamadani oo tiradooda aanan la sheegin ayaa waxaa dadka deegaanka ay soo sheegeen in ay ahaayeen kuwa aad u fara badan gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Waxa ay yihiin ciidankani Soomaalida kuwii lagu soo tababaray wadanka Itoobiya isla markaasina la doonayo in ay ka qeyb qaataan hawlgallada lafilayo in dowladda federaalka ay ka qabato gudaha dalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada Itoobiyaanka aysan u muuqan kuwa fariisimo sameysanaya lakiin ay u muuqdaan in ay ka laabanayaan deegaanka.

Dowladda federaalka ayaa maalmahani kujirta qaban qaabo kii ugu xooganaa oo ku aadan weerar wada jir ah in ay ku qaado guud ahaan deegaannada ay kusugan yihiin iyaga iyo kooxaha mucaaradka ku ah ee dowladnimada diidan kana soo horjeeda.

Tags: , ,

Jawaab ka tag