|

Xasan Turki ma Xor buu ku ahaa Baydhabo Mase?

Waxaa dhawaan magaalada baydhabo kasoo baxay bayaan iyo shir jaraaid oo halkaasi lagu qabtay laguna sheegay in mucaskarka raaskanbooni iyo xarakada shabaab ku midoobeen iyadoo la sheegay in dhanka raskanbooni usaxiixeen dulyadayn iyo sida la sheegay sheex xasan turki.

Muddo ka dib ayaa waxaa arrintaasi beeniyey qayb ka tirsanayd mucaskarkaasi oo haatan ka tirsan ururka xisbul islaam iyadoo ay sheegen inaysan raggaasi magaca ururka ku hadli karin oo magacaa waa hore la masaxay oo xisbul islaam loo xuub siibtay.

Waxaa iyadoo taa laga jawaabayo shir jaraa’id mar kale ku qabtay baydhabo dulyadayn ee sheekh xasan turki ay ku celiyeen in midawgaa dhab yahay.

Dul yadayn wuxuu u ekaa nin ku faraxsan hawsha isaguna wata isagoo weliba hadalka hagayey wiryayaasha u baaqayay in hadalka ka joojiyaan sheekh xsan turki aysan waxba waydiin.

Sheekh Xasan Turki oo warar qaar sheegayeen inuu xanuunsanaa waayahay ayaan la garayan in waxa falfalaxsanaanta ka qaaday ay tahay jajuub lagu hayey ama xanuunka hayey balse ma ahayn nin sidii lagu yiqiin isagoo qoslaya oo la dhacsan waxa uu samaynayo hadalayey.

Wuuxuu adeegsaday erayga ah inuu goobjog ka ahaa ama marqaati wixii halkaasi ka dhacay taas oo shaki kale keeni karta mar haduusan adeegsan erayga ah waan midawnay iyo tallaabada caynkaa ah ayaan qaadnay.

Dhanka kale kala guur ku dhacay kooxaha hubaysan ee diineen ee marba ay dhinac kooxi ku biirayso ayaa ka tarjumaya in ay fawadada iyo salfudaydka kala mid yihin soomaalida kale ama qabqablayaashii siyaasadeed.

Dadka qaar baa aaminsan in kooxda raskanboni iyho xisbul islaamba aysan lahayn awood ay iskaga caabi karaan shabaab ama si cad uga madax bannannaan karaan oo hadii ay xisbugu gooni u taagnaadaan iyo hadii ay shabaab ku biiraanba aysan wax wayn ka bedeli karin wadciga jira oo loollanka uu leeyahay laba daraf oo dhab ah kaasoo ah shabaab oo ku tiirsan bahweynta alqaacida iyo dawladda ku meel gaarka ah oo gabaad ku daba aha amisom iyo beesha caalamka. Waxaa iyana si gaar ah u taagan ahlusunna oo iyana itoobiya ku xiran balse aan iyagu kasoo horjeedin dawladda shariif.

Tags: , ,

5 Jawaabo loogu talagalay “Xasan Turki ma Xor buu ku ahaa Baydhabo Mase?”

  1. burhaanudiin says:

    xassan turki waa laqabsaday mardhawna waxaa lala wareegidoonaa xassan daahir xisbulshayaadiina-eey ayaa cuni doona.kadibna shabaabka ayaa cagta la marin doonaa insha allaah

  2. Hassan ma baqaa horta ma isweydiisday intaadan cinwaanka samaynin kana bawl waxaan ilaahay subxaanuhu watacaalaa ahayn

  3. Dhab sheeg says:

    What ever they do, nothing is changed… they are what they were….

    Ismadhaanto iyo dhasheed Soomaalida maanta kuu doonaba ha noqdee…

    Allaan leenahay waayo iyo wakhti wacanna ka sugaynaa…..

    Kuwanse in la soo hadal qaado waa la ila dhaamaa…

  4. bashtr says:

    horta maisweydiisay hassan ma ka baqaa waxaan ilaahay ahayn

  5. faarax guure says:

    waxaan qabaa fakaar ah inuu xasan turki ku buuray shabaabka markuu u arkay inay asagaq ay iska agdhowyihiin oo midid ay yihiin sida asaga oo kale,turki oo ah shaqsi adag oo meel ku dhag ah,waxaan kaloo filayaa markuu arkay xisbigiisa oo aad u sii tabar dhacayo ayuu is daba qabtay oo uuu ilaashaday magaciisa

Jawaab ka tag