|

Ciidamada Nabad sugida dowladda oo beeniyay beecinta Maxaabiista.

Dowladda federaalka ayaa waxa ay leedahay dhowr waax oo ay u kala baxaan ciidamadeeda iyadoo waax waliba hawl u gaar ah ay leedahay, waxaana kamid ah kuwa loogu yeero ciidamada Nabad sugida.

Ciidamadaasi ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay indhibaato ay kudhex hayaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay dhibaatadaasi ku sheegeen in dadka aan dambiga laheyn oo ay xirtaan ay ka qaataan lacag madax furasho ah si ay u sii daayaan dadkaasi.

Shir jaraa’id oo uu Maanta uu ku qabtay Magaalada Muqdisho Afhayeenka ciidanka Nabad sugida dowladda KMG Ibraahim Cumar (Ceelbaare)  ayaa waxa uu ku beeniyay wararka laga sheegayo ciidamada Nabad sugida.

Afhayeenka ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay Warar sheegaya in dadka ay soo qabtaan ciidamada Nabad ay ka qaataan Lacago Madax Furasho ah isagoona arintaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Waxa uu xusay ciidamada nabad sugida Dowladda KMG ee Soomaaliya mar wax laga weydiiyey waxa ay ka yeelayaan dadka ay ku soo qabqabtaan howlgalada ayaa  waxa uu sheegay in ay maxkamad ay soo taagi doonaan islamarkaana lagu qaadi doono sida waafaqsan Shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Afhayeenka ciidamada Nabad sugida uu diidayo in wax lacag madax furasho ah ay ka qaadaan ayaa waxaa hadana la xaqiijiyay in ay jirto lacagtaasi madax furashada ah ee ay ka qaataan dadka ay sii daynayaan gaar ahaan kuwa dambiga lagu waayo.

Tags: , ,

1 Jawaab loogu talagalay “Ciidamada Nabad sugida dowladda oo beeniyay beecinta Maxaabiista.”

  1. barnadette says:

    xaladaha somalia waa mid diin salka ku hayso rabbi oon loo laaban yaanan naxris rabbi lasugin RCS waxa u dhahay Qatlul mu mini acdamu cindalahi mid zawadi dunyaa halkee joogeen kuwa hada diinta sheeganayo marka qal qiga rabbi la leenaayay . sida waxa yelay moryankii isku qabilka ahayen hadana dhahayo jihad ayaan galayaa alshabab ayaa la i dhahaa diintaan masuul ka ahay walaahi inuusan aqoon naftisa shurudaha salada dinan hogaminaa kulahaa ka qalee dheh aniga waxan la yaabay janadan cidii doonta galayso …..aragaaneeeeeeeeeeeee.

Jawaab ka tag