|

Hadalka Aqbalaadda wada hadallada Liibiya waa war shaqsi ee Xisbiga kuma soo heshiin.

Khudbaddiisa ayuu dhowr arrimood kaga hadlay iyadoo dadkii ku sugnaa masaajidka ay su’aal dhowr su’aal weydiiyeen isaga oo halkaasina uga jawaabay.

Waxa uu ugu horeyn ka hadlay in xilligani oo kale xaalad adag ay kujirto dhinaca fahamka, waxaana uu sheegay in dhalinta Kooxahooda mucaaradka ah ay yihiin kuwa aanan diinta si wanaagsan u garaneynin isla markaasina ay qof waliba ay ku xukmiyaan in uu murtad yahahay.

Arrintaasi ayuu sheegay in looga baahan yahay Culumada in ay ka hadlaan si dhalintaari yaryarka ah looga dhaadhiciyo in murtadnimada sidaasi fudud aanan lagu noqon Karin.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay waxa ay dagaallo iyo abaabul kale u galayaan iyaga oo aanan heshiinin waa xisbigooda iyo Alshabaab waxa uu sheegay arrintaasi in ay u taallo shacabka oo laga doonayay in ay banaanbaxyo sameeyaan si ay u muujiyaan in ay baahi u qabaan shacabka in la mideeyo xoogagooda taasina ay ka gaabiyeen sidaasina ay kutimid in dagaallo ay dhex maraan labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Maxamed Macallin Xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islam ee ku aadanaa in wada hadalka ay sheegtay Liibiya ay xisbigooda ogol yihiin lakin waxa uu sheegay in aanu jirin warkaasi isla markaasina uu yahay war qof shaqsi iska yiri oo ka hadlay fikirkiisa inkastoo uu raaciyay in isaga uusan dhageysanin warkaasi lakin Soomaalida ay si qaldan u sheegayaan.

Madaxda dowladda ayuu ugu dambeyntii ku dhaliilay in ay shacabka Soomaaliyeed u soo kordhiyaan keliya khasaare isla markaasina mar waliba oo ay ka dhoofayaan dalka ama ay kusoo laabanayaan in ay xasuuq u geystaan shacabka iyaguna ay wax qabadkooda kusoo koobeen raaxo dhinaca safarrada dibadda ah.

Waa markii ugu horeysay oo Sheekh Xasan Daahir Aweys uu soo gaaro magaalada Muqdisho kana hadlo masjidka Abaa-hureyra tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaaf dhaliyay gacan kahadal oo dhex maray Alshabaab iyo Xisbul Islam.

 

Jawaab ka tag