|

Ciidamada Dowladda oo Baladweyne kabaxay iyo Xisbiga oo kusoo laabtay.

Lama sheegin sababta ay uga baxeen ciidamada dowladda lakin waxaa la xaqiijiyay in ay ogaadeen ciidamado katirsan Xisbul Islam inay weerar kusoo ahaayeen.

Waxa ay dageen Ciidamada dowladda sida lasoo xaqiijiyay meel kudhaw Baladweyne lakin lama hayo xogta ah ujeedka ay mar waliba u soo galaan Baladweyne kadibna uga baxaan ciidamada dowladda.

Dhinaca kale Ciidamada Ururka Xisbul Islam ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay xarunta Gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne.

Ciidamo badan oo uu watay C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa la wareegay saldhiga iyo Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo iminka ay xisbul Islam kuwada sugan yihiin.

C/raxmaan Macow oo la hadlay warbaahinta kadib markii Baladweyne ay ku laabteen ayaa waxa uu sheegay in ay markii horeba diidayeen shacabka in ay kudhex dagaalamaan lakin dhibaatada jirta ay tahay in ciidankii dowladda ay markii soo galeen horey dhac ka bilaabeen taasi oo keentay in dadkii deegaanka ay kacdoon ku sameeyaan.

 

Jawaab ka tag