Xisbul Islam ayaa jawaabtooda ku cadeeyay arrimo badan oo xittaa ay wacad ku mareen in haddii Alshabaab ay Kismaayo ku weeraraan Xisbul Islam ay saameyn xoogan kuyeelan doonto guud ahaan Gobolada ay dalka kajoogaan Ururka Alshabaab.
Afhayeenka Ururka Xisbul Islam gaar ahaan Golaha Shuurada Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay qadka telefoonka [...]
Xisbul Islam oo qirtay haddii Axmed Madoobe la weeraro Gobolada ay shabaabka joogaan saameyn doonto.
Alshabaabka Kismaayo oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Xisbul Islam.
Dagaalka ay iclaamiyeen ayay kusheegeen in uu yahay mid difaac ah isla markaasina lagu doonayo in looga hortago Axmed Islam oo Xisbul Islam kamid ah oodoonaya in Kismaayo uu la wareego.
Afhayeenka Maamulka Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa Saakay wareysi siiyay Idaacadda Keliya ee Kismaayo ka shaqeysa ee Andalus oo alshabaab ay leeyihiin.
Waxa uu [...]
Ciidamada Dowladda oo Baladweyne kabaxay iyo Xisbiga oo kusoo laabtay.
Lama sheegin sababta ay uga baxeen ciidamada dowladda lakin waxaa la xaqiijiyay in ay ogaadeen ciidamado katirsan Xisbul Islam inay weerar kusoo ahaayeen.
Waxa ay dageen Ciidamada dowladda sida lasoo xaqiijiyay meel kudhaw Baladweyne lakin lama hayo xogta ah ujeedka ay mar waliba u soo galaan Baladweyne kadibna uga baxaan ciidamada dowladda.
Dhinaca kale Ciidamada Ururka Xisbul [...]
Qofkii Shanaad oo Madaxa ka go’an oo saakay Towfiiq lagu arkay.
Waxaa saakay xaafadda Towfiiq gaar ahaan dhanka Miisaanka lasoo dhigay meydka nin aanan la aqoon waxa uu yahay hayeeshee ahaa meydkaasi mid madaxa laga soo jaray.
Ninkani ayaanan la ogeyn cidda madaxa kasoo jartay laakiin deegaanka lasoo dhigay ayaa ah deegaan ay maamulaan kooxaha mucaaradka ah inkastoo aysan iyaguna shaaganin arrintani.
Wiilashani qoorta laga soo jarayo ee [...]
Dhawaqa Rasaasta oo Xalay Kismaayo laga maqlayay.
Rasaasta la maqlay ayaa aheyd mid iskugu jirta kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarka, waxaana ay aheyd xilliga la maqlay (hal saac iyo bar) habeenimo xilliga magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in rasaasta ay u muuqatay mid labo dhinac u dhaceysay lakin aysan xaqiijin Karin cidda rasaastaasi ridayay ama haddii ay aheyd mid la isku [...]
Xiiisadda Kismaayo iyo Xukunka Kitaabka
Labadan kooxood ayaan midna midka kale ku eedayn karin inuusan urur diineed ahayn ama caqiido lahayn ama fikirka salafiga si kala duwan uga wada abtirsada laakiin isla meel dhigi waayey sidii xukunka magaalada loo wadaagi lahaa ama loogu ogolaan lahaa in shacabku doorto madaxdiisa.Wadaadani waa diideen laba arrimood oo sal u ah xukun wanaagsan iyo [...]
Nin xalay Kismaayo lagu dilay.
Dilka ayaa dhacay kadib salaaddii maqrib waxaana falkaasi uu ka dhacay Xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo iyadoo dilkaasi loo geystay nin caan ka ahaa xaafaddaasi.
Ninkani oo aanan magaciisa la shaacin hadana waxaa la xaqiijiyay in ay dileen dhalinyaro gafuurka u duubnaa oo bastoolado ku hubeysan falkaasi oo horey aanan loogu arkin magaalada Kismaayo.
Ninkani sidoo kale [...]
Ciidamadii ugu badnaa ee Alshabaab oo Kismaayo gaaray.
Ciidamadani ayaa ka kala yimid guud ahaan Gobolada ay kusugan yihiin Alshabaab iyadoo qaarkood lagu soo waramayo in dhowaan un uu tababar ugu soo dhamaaday Gobolada dalka qaarkood.
Ciidamadani aadka u tirada badan ee Alshabaab uga yimid Gobolada kala duwan ee dalka ayaa laga cabsi qabaa in ay u yimaadeen magaalada hurinta dagaal xoogan oo dhex [...]
Muqdisho oo saakay xasiloni ay ka muuqato.
illaa 15 qof ayaa ku dhintay tira kale oo 30 ahna waa ku dhaawacmeen duqeynta oo saameysay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.
Duqeynta ayaa bilaabatay kadib markii Kooxaha Mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeda ay iyaguna madaafiic ku garaaceen Dekedda Muqdisho.
Cali Dheere oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha mar waliba lala [...]
Maamulka Xisbul Islam oo ku baaqay in Xaaladda Kisaayo la qaboojiyo.
Maanta ayaa shir jaraa’id waxaa ku qabtay Qadka Telefoonka Ismaaciil Caddow oo ah Afhayeenka Dhinaca Golaha Shuurada u qaabilsan Xisbul Islam isaga oo ku baaqay in xaaladda la qaboojiyo.
Waxa uu sheegay sidoo kale in aanu jirin wax maamul ah oo isbadal lagu sameeyay gaar ahaan kan kismaayo oo ay weli gacanta kuhayaan maamulkaasi raggii hore [...]
