Kooxda Shabaab oo ka jawaabay Eedeymihii shalay dowladda kasoo yeeray.
Shir jaraa’id oo qadka Telefoonka uu ugu qabtay Wakiilka Gobolka Banaadir ee shabaabka Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dowladda FKMG ay waddo abaabul dagaal oo ay ku abaabulayso Qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Waxa uu beeniyay in sarkaal shabaab ah laga dilay shalay isla markaasina gacanta lagu dhigay dhalinyaro ay afduub ahaan u heysteen.
Sidoo kale waxa uu xusay Sheekh Cali ii dhalintaasi ay afduubteen ay tahay mid aan waxba kajirin oo ay yihiin kuwa ay soo abaabuleen Dowladda Federaalka.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Waxaa uu tilmaamay in wasiirka Amniga dowladda FKMG Cumar Xaashi Aadan uu abaabul qabiil ka wado gobolka Hiiraan, Waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka fiijignaadaan gaar ahaan dadka reer Hiiraan.
Wakiilka Gobolka Banaadir ee Shabaabka ayaa intaa ku daray in dowladda KMG markii ay ku fashilantay ku dhaqanka shareecada Islaamka ay u xuubsiibteen hogaamiye kooxeedyo sida uu hadalka u dhigay.
