Bogga Hore » May, 2009 Qormo la daabacay “May, 2009”

Alshabaab iyo Xisbul Islam oo qaban qaabinaya la wareegista goobo hor leh oo Muqdisho.

Alshabaab iyo Xisbul Islam oo qaban qaabinaya la wareegista goobo hor leh oo Muqdisho.

Shir dhowaan ay yeesheen kana dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ayaa waxaa lagu gorfeeyay sida ugu haboon ee Muqdisho inta ka harsan ay ula wareegi karaan labadani Koox ee isbaheystay, waxaana lasoo jeediyay talooyin dhowr ah oo lakin aanan weli lagu dhaqaaqin.
Hadaba Barqanimadii maanta ayaa waxaa dagaal uu ka bilowday uu ka Bilowday Igsoyska 4-ta jardiin [...]

May 31 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Ciidamada Itoobiya oo dhul horleh kasoo galaya Soomaaliya xilli raggii difaacay ay isku jeesteen.

Ciidamada Itoobiya oo dhul horleh kasoo galaya Soomaaliya xilli raggii difaacay ay isku jeesteen.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Military-ga Itoobiya oo dhawaan soo gaaray isgoyska Kala Beyr ayaa maanta isku fidiyay inta u dhexeysa isgoyskaasi iyo Buurta Jiracle halkaasi oo ay baaritaano ka sameeyeen sida ay kusoo waramayaan dad deegaanka kamid ah.
Dadka ayaa sidoo kale waxa ay soo sheegeen in Ciidamadani Itoobiya ay si lug ah ku socdeen [...]

May 31 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Dagaal kasocda qeybo kamid ah Degmada Mahadaay.

Dagaal kasocda qeybo kamid ah Degmada Mahadaay.

Dagaaladani oo bilowday Saakay waabarigii ayaa waxaa uu deegaanka Maguurto ee degmada Mahadaay uu ku dhex marayaa Kooxda Shabaabka oo kaashnaya Xisbiga, waxaana Ciidamada Maxkamadaha ay doonayaan in ay dib ula wareegaan Sh/Dhexe oo ay horey Kooxda Shabaabka iyo Xisbiga ay kala wareegeen. Dagaalkani ayaa in uu socdo waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyihii hore ee Maxkamadaha [...]

May 31 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Kooxda Shabaab oo ka jawaabay Eedeymihii shalay dowladda kasoo yeeray.

Kooxda Shabaab oo ka jawaabay Eedeymihii shalay dowladda kasoo yeeray.

Shir jaraa’id oo qadka Telefoonka uu ugu qabtay Wakiilka Gobolka Banaadir ee shabaabka Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dowladda FKMG ay waddo abaabul dagaal oo ay ku abaabulayso Qabaa’ilka Soomaaliyeed. Waxa uu beeniyay in sarkaal shabaab ah laga dilay shalay isla markaasina gacanta lagu dhigay dhalinyaro ay afduub ahaan u heysteen.
Sidoo kale waxa uu [...]

May 31 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay san ku qanacsaneyn Maxkamadda loo sameeyo Burcad badeedka.

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay san ku qanacsaneyn Maxkamadda loo sameeyo Burcad badeedka.

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda FKMG Maxamed C/laahi Oomaar ayaa u sheegay warbaahinta in aysan codsan dowladda FKMG in la sameeyo maxkamad caalami ah oo lagu maxkamadeeyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida,waxaana uu tilmaamay in arinraasi aysan doonayn in ay hirgasho islamarkaana Aduunka intiisa badana uusan ku qanacsanayan iyagu aysan doonayn. Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG [...]

May 31 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Dowladda oo soo bandhigtay Rag ay Alshabaab kasoo afduubteen Sh/hoose.

Dowladda oo soo bandhigtay Rag ay Alshabaab kasoo afduubteen Sh/hoose.

Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ayaa u soo bandhigay Saxaafadda illaa 11-dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo afduubay gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer iyo deegaanka Golweyn.
Sidoo kale waxa uu xusay in ay ka qabteen Isgoyska Ex-Control ee degmada Afgooye gaar ahaan wadada Muqdisho laga [...]

May 30 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Dowladda Federaalka oo wada qorshe ay Gobolada kula soo wareegeyso.

Dowladda Federaalka oo wada qorshe ay Gobolada kula soo wareegeyso.

Cumar Xaashi Aadan Wasiirka Amniga Qaranka oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa aaday dhanka Addis Ababa, waxaana uu kaga degay diyaar halkaasi uu kasoo raacay godeey oo ah dhulka Ismaamulka Soomaalida kadibna ciidan tababar loogu soo dhameeyay kasoo kaxeeyay halkaasi isaga oo dhanka dhulka kusoo socda.
Col. Cumar Xaashi oo ka mid ah Saraakiil ay Dowladda [...]

May 30 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

QM oo sheegeysa in Horumar laga gaaray Arrimaha Burcad badeedka.

QM oo sheegeysa in Horumar laga gaaray Arrimaha Burcad badeedka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Ahmed Walad Cabdalla ayaa sheegay in horumar laga gaaray howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda ay qab qabteen ilaa boqol ka mid ah kooxaha burcadda ah sida uu hadalka u dhigay kuwaasoo haatan ku xiran [...]

May 30 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka xumaaday xayiraadda dowladda soo rogtay.

Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka xumaaday xayiraadda dowladda soo rogtay.

Guddiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin xayiraadda ay dawladda KMG sheegtay in ay saartay dekadaha ka baxsan magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Kooxaha Mucaaradka.
Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta ayaa xusay deegaanadaasi inay ku nool yihiin dad shacab ah isla markaana dawladda KMG ay mas’uul [...]

May 30 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Taliye katirsanaa Muqaawamadii hore oo Xalay Gudaha Bakaaro lagu dilay.

Taliye katirsanaa Muqaawamadii hore oo Xalay Gudaha Bakaaro lagu dilay.

Qataatow ayaa waxaa lagu dilay dhanka Suuqa Cirtoogte, waxaana toogtay labo wiil dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysnaa iyaga oo dilka markii ay geysteen kadibna halkaasi isaga cararay.
Waxaa cambaareeyay dilkaasi Kooxda Shabaabka, Xisbul Islam iyo Maxkamadaha Islaamiga oo dhammaantood wada sheegay in ay ka xun yihiin dilka Qataatow oo ahaa taliye ciidan oo Maxkamadaha katirsanaa.
Lama garanayo [...]

May 30 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »