Waxa uu kaga hadlay khudbadda arrimo aad u fara badan oo kamid ah xaaladaha dalka uu marayo isaga oo xusay in ay wado dowladdiisa weli arrimaha dib u heshiisiinta iyaga oo la wada kuwa kasoo horjeeda ee dowladdiisa diidan aysanna ka daali doonin inta ay ka miro dhalinayaan.
Waxa uu codsaday in ay u baahan yihiin [...]
Khudbaddii M/W Shariif ee Shirka Dooxa(Dhagayso).
Dhoofka Madaxda iyo Shacabka oo Dhib ku Qaba
Dadkani ayaa waxa ay ka cabanayaan xilliyada Madaxda dowladda ay kasoo degayaan garoonka Aadan Cadde ama ay ka dhoofayaan xilliyadaasi oo dhibaato xoogan ay ku qabaan.
mid kamid ah gaadiidleyda ayaa u sheegay GOOBJOOG in dhibaatada ay ku qabaan ay tahay wadada makka Almukarrama oo la xiro iyadoo muddo iska xirnaata iyaguna ay ku dayacmaan hadba [...]
Ciidamada Itoobiya oo dad fara badan kuxiray deegaanka Mustaxiil.
Dadkani oo isugu jira Beeroley iyo Ganacsato ayaa waxaa Ciidamada Itoobiyaanka ay ku xirteen deegaanka Mustaxiil, waxaana aan la ogeyn illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dadkaasi faraha badan ay Itoobiyaanka u xirteen.
Warar GOOBJOOG ay ka heleyso Deegaanka Mustaxiil ayaa sheegaya in sababta loo xirtay dadkaasi lagu saleyn karo in ay ka dambeyso kadib [...]
Hey’adaha Samafalka Baydhabo oo loo Digay
Xasan Macallin Axmed (Biikole) oo kamid ahaa maamulkii hore ee Gobolka Bay lakin ay ka ceyrsadeen halkaasi xarakada shabaabka ayaa digniin culus u jeediyay Hey’adaha Samafalka.
Waxa uu sheegay Biikole in ay tahay digniintooda tii ugu dambeysay oo aysan wax shaqo ah ka qaban Karin Gobolada Bay iyo Bakool maadaama uu yahay deegaanno ay dagaallo kasocdaan [...]
Faroole “Hubka Beelaha ay wataan Dowladda halagu soo wareejiyo”.
Madaxweyne Faroole ayaa ugu horeyn ka hadlay xaaladda Ammaan ee deegaannada Puntland, waxaana uu sheegay in xaaladaha ay yihiin kuwa sii xumaanaya lakin loo baahan yahay in kahortag ay ku sameeyaan wax waliba oo Ammaanka wax u dhimaya.
Waxa uu xusay in beelaha degan Puntland ee leh gawaarida gaashaaman iyo hubka noocyadiisa kala duwan ugu horeyn [...]
Mareykanka oo Muwaadiniintooda digniin u jeediyay.
Waxaa lagu sheegay warkaasi kasoo baxay safaaradda Mareykanka ay kuleeyihiin Itoobiya in Muwaadiniinta aysan u safrin deegaannada kala ah Diridhaba, harar iyo Jigjiga ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Deegaannadaasi ayaa waxaa loogaga digay kadib markii dhowaan farriin uu soo diray Hoggaamiyaha ururka Alqaacidda Usaama Bin Laden lagu sheegay in lala dagaalamo dowladda sheekh Shariif xukunkana laga [...]
Caasho Axmed Cabdalla “Waa wax laga xumaado in dowladda ay ciidamo shisheeye dalbato”.
Xildhibaanad Caasho waxa ay sheegtay in Dowladda dalabkaasi ay ugu horeyn ku qaldan tahay oo aanu aheyn xilligani in ciidamo ay dalbato Maadaama dowladdii hore ee C/llaahi Yuusuf uu hoggaaminayay wixii ay kula dagaalamayeen ay aheyd Ciidamada Shisheeye.
“Waa wax laga xumaado in dowladda ay ciidamo shisheeye dalbato” ayay tiri Xildhibaanad Caasho oo intaasi ku dartay [...]
Dowladda Yeman oo sheegtay in Burcad badeed Soomaali ah ay dileen Nin Yemeni ah.
Mas’uul katirsan Ciidamada Wadanka Yemen ayaa sheegay in Gobolka Mukalla lakeenay Muwaadin u dhashay wadanka Yeman kaasi oo koox burcad badeed Soomaali ah ay kusoo dileen Biyaha Soomaaliya.
Sababta uu kudhintay ayaa lasheegay in uu ahaa dhaawac kadib markii rasaas ay kusoo fureen Burcad badeedka Soomaalida, waxaana uu u geeriyooday dhaawacaasi.
Ciidamada Ammaanka ee wadanka Yeman ayaa [...]
M/W Shariif oo ka Warbixiyey Safarkiisii(Dhagayso)
Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyey 28 bishan safarkiisii uu kusoo kala bixiyey lix dal oo ku yaalla geeska Afrika, isagoo sidoo kalana ka hadlay ciidamada AMISOM joogitaankooda dalka iyo hadalkii kasoo yeeray hogaamiyaha Alqaacida Usaama bin Laadin.
Wuxuu tibaaxay in ciidamada AMISOM joogitaankooda uu qayb ka ahaa heshiiskii Jabuuti, uusanna ogayn [...]
Dowladda oo Shacabka ka Codsatay in loo Soom Roobdoon
Waxa uu sheegay in Musiibada ay aad u badatay ayna haboon tahay Alle in loo laabto sidaasi daraadeed ay tahay in la soomo muddo afar maalmood ah oo ay ka bilaabaneyso Talaado maalinta afaraad ee Jimcaha ahna la isugu soo boxo salaadda roobdoonka.
Waxa uu sidoo kale xusay wasiirka in ladoonayo Allaah in la baryo maadaama [...]
