Bogga Hore » February, 2009 Qormo la daabacay “February, 2009”

Maxaa la Gudboon Muqaawamada?

Maxaa la Gudboon Muqaawamada?

Hadalkaani waa naseexo walaalnimo iyo talo soo jeedin nin walba ama urur kasta ka qaadanayo wixii uu ku qanco ama ka anfaca ee ma aha FATWO oo waa shaqo culimo, mana aha xukun lagu riday dad wax isku haysta oo waa shaqo qaalli, mana aha amar meel sare ka yimid oo waa shaqo maamul la [...]

February 28 2009 | Lagu daabacay qaybta Maqaallo | Sii aqri »

Madaxweyne shariif “Dagaalladii ugu dambeeyay waa nasiib darro”.

Madaxweyne shariif “Dagaalladii ugu dambeeyay waa nasiib darro”.

Madaxweynaha ayaa shirkiisa kaga hadlay arrimo badan gaar ahaan dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo dadaallada dhinaca Nabadda ah ee lawado.
Waxa uu sheegay xilligani in uu yahay waqtigii dagaalka aananna loo baahneyn dagaallada dalka in ay kasii socdaan shacabkana loo turo oo aanan dhibaato kale loosii horseedin.
“Dagaalladii ugu dambeeyay waa nasiib darro” ayuu [...]

February 28 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Golaha Wasiirada oo kulankoodii ugu horeeyay Muqdisho kuyeeshay.

Golaha Wasiirada oo kulankoodii ugu horeeyay Muqdisho kuyeeshay.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa illaa 31-wasiir, waxaana kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh.Aadan iyo wasiiro kale oo fara badan.
Waxaa kulankaasi saxaafadda uga warbixiyay Madaxa warfaafinta xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/salaan Yuusuf Guuleed oo horey uga mid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska, wuxuuna sheegay in kulanka uu [...]

February 28 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Hey’adda Culumada Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha.

Hey’adda Culumada Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha.

Hey’adda Culumada oo ku dadaaleysa sidii dalka looga dhaqan gelin lahaa sharciga Islaamka ayay u jeediyeen Ra’iisal wasaaraha illaa 3-qodob oo uu saxaafadda u sheegay Guddoomiye kuxigeenka Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan.
Saddexaasi qodob ayaa waxa ay kala yihiin shareecada Islaamka in dalka lagu xukumo, Musaalixo iyo dib u heshiisiin in lasameeyo iyo in laga qabto [...]

February 28 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Dr.Cumar Imaan “Majirto dagaal aan xilligani u diyaar garownay in la galo”.

Dr.Cumar Imaan “Majirto dagaal aan xilligani u diyaar garownay in la galo”.

Waxa uu sheegay Dr.Cumar Iimaan ugu horeyn in uu socdo dhismaha iyo dhameystirka Isbaheysiga lakin waxa lagu dhawaaqay ay yihiin keliya Guddoonka sare ee Xisbiga.
“Majirto dagaal aan xilligani u diyaar garownay in la galo” ayuu yiri Dr.Cumar oo Intaasi ku daray in xittaa qorshahooda uusan kujirin xilligan wax dagaallo ah oo ay qaadayaan.
Dhibaatada shacabka ayuu [...]

February 28 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah oo warsaxaafadeed kasoo saaray Xaaladda Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah oo warsaxaafadeed kasoo saaray Xaaladda Soomaaliya.

Shirkani oo waxyaabo badan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabaha diiradda sida weyn loogu saaray Xaaladda Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Wakiilka gaarka ah ee Arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala.
Soomaaliya ayaa waxaa uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee cusub Maxamed C/llaahi Oomaar waxaana Kooxda xariirka caalamku ay soo dhaweysay hormarkii Magaalada New York laga Sameeyay [...]

February 28 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Nabaddoon (Guurow): Walaalow Nabadda Dhawr

Nabaddoon (Guurow): Walaalow Nabadda Dhawr

 
 
 
 
Walaalow nabadda dhowr
Wadaadow rasaasta dhiga
Dhambaallada culimadiyo
Duqeydaas dhaqanka iyo
Dhawaaqa dadkaaga maqal  
 
Dhaawaca aan daawo helin
Dhammaan inta nabarka qaba
Dhibtiyo gaajada la daran
Iney dhakhaatiir  helaan
Habraha dhalandhoolayiyo
Dhallaankani duurka wadhan
Dhulkoodii laga eryadey
Iney dhismahoogii dumey
Ammaba hantidii dhextaal
Dib dhoobada uga jafaan
Dharaaraha roobka iyo
Iney dhaxan ka hadhgalaan
 
Walaalow nabadda dhowr
Wadaadow rasaasta dhiga
Dhambaallada culimadiyo
Duqeydaada dhaqanka iyo
Dhawaaqa dadkaaga maqal  
 
Dhiillada naxdintee damayn
Nac iyo dambi baa ka [...]

February 27 2009 | Lagu daabacay qaybta Suugaanta | Sii aqri »

Xisbul-Islaam yaanu Noqon Xisbul Dagaal

Xisbul-Islaam yaanu Noqon Xisbul Dagaal

 
Dawlad miyay rabaan –wadaadadani- mise qas iyo fawdo? Hadii ay ku guulaystaan-wadaadani- ridida dawlada Shariifka maxay soo wadaan oo ay ku badali doonaan Sheekha iyo dawladiisa? Horta Fikir siyaasadeed ma xambaarsan yihiin –wadaadadani-muxuuse yahay fikirkoodaasi? Dagaaladan hadii ay sii wadaaan-wadaadani- ma laga yaabaa in ay dhaawacaan mashruucii siyaasdeed/diineed ee wadaada Soomaalidu ay mudada dheer u [...]

February 27 2009 | Lagu daabacay qaybta Maqaallo | Sii aqri »

Markab Ganacsi Talyaani oo Afduub laga badbaadiyay.

Markab Ganacsi Talyaani oo Afduub laga badbaadiyay.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa doonayay in ay markabkani Talyaaniga laga leeyahay ku afduubtaan Gacanta Cadmeed inkastoo markii dambe ay gargaar u dirsadeen Markab u dhawaa oo noqday mid laga leeyahay Wadanka Shiinaha kaasi oo kasoo gaaray xilli Burcadda ay kudhawaayeen in ay la wareegaan Markabkaasi.
Burcadda oo wadatay labo doon oo yaryar ah ayaa waxa ay [...]

February 27 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

C/raxmaan C/shakuur “Wax waliba oo lagu xalin karo khilaafka diyaar baan u nahay”.

C/raxmaan C/shakuur “Wax waliba oo lagu xalin karo khilaafka diyaar baan u nahay”.

C/raxmaan waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay u soo gaareen si ay u dhameeyaan arrimaha dalka ka taagan gaar ahaan si ay hawshooda u bilaabaan kadibna ugu guda galaan arrimaha dib u heshiisiinta isaga oo sheegay muhiimadda in ay siinayaan xalinta Khilaafaatka.
“Wax waliba oo lagu xalin karo khilaafka diyaar baan u nahay” ayuu yiri [...]

February 27 2009 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »