|

Nuur Cadde oo ka codsaday Ururka Golaha Sanca in ay Ciidamo u soo diraan Soomaaliya.

Waxa uu codsigiisa ku saleeyay sidii ay Ciidamo wax ka qabta dhinaca Ammaanka ay Soomaaliga ugu soo diri lahaayeen maadaama iminka ay kusugan yihiin dalka keliya Ciidamo kasocda Midowga Afrika.

Hadalkani ayuu ka jeediyay kulan ka dhacay Khartuum oo ay isugu yimaadeen ururkani la isku dhoco Kulanka Sanca isla markaasina lagu lafa gurayay xaaladaha ugu dambeeya ee Soomaaliya iyo Falastiin.

Waxa uu sheegay Nuur Cadde in ay si aad ah u soo dhaweynayaan go’aanka ay Itoobiya ku gaartay in Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya lakin haddii ay baxaan ayuu sheegay in loo baahanayo in Ciidamada Midowga Afrika la ballaariyo isla markasina ammaanka goobaha ay Itoobiyaanka ka baxayaan ladoonayo in ciidamo kale lagu wareejiyo.

Maamulkiisa TFG-ad ayuu sheegay Nuur Cadde in ay diyaarineyso 5 illaa 6-kun Askari oo la shaqeeya Ciidamada AMISOM ee iminka ka hawlagalaya Dalka lakin ay u baahan yihiin qalabkii ay ku hawlgeli lahaayeen.

Jawaab ka tag