Go’aanka deg degga ayuu kusheegay in ay tahay in ladoonayo Xilkii uu ka tegay C/llaahi Yuusuf Shaqsi buuxiya in ay dhaqso kusoo magacaabaan si arrimo badan oo jiran aysan u hallaabin sida uu hadalka u dhigay.
Arrintani ayuu kusheegay bayaan uu xaruntiisa kasoo saaray isaga oo raaciyay in casilaadda C/llaahi Yuusuf Axmed in ay timid waqti [...]
Midowga Afrika oo ku baaqay in deg deg loo buuxiyo xilkii C/llaahi Yuusuf uu ka tegay.
Itoobiya oo sheegtay in iscasilaadda C/llaahi Yuusuf uu sababi doono Nabad ka dhalata Soomaaliya.
Bereket Simon oo ah la taliyaha Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee AFP in C/llaahi Yuusuf in casilaaddiisa ay soo dedejin doonto Nabad ka dhalata Soomaaliya.
Sababta uu isku casilay C/llaahi Yuusuf ayay kusheegeen in ay tahay kadib markii uu ku fashilmay nabad kusoo celinta Soomaaliya lakin iminka talada uu gacanta [...]
Weerar xalay lagu qaaday Fariisin ay Itoobiyaanka kuleeyihiin Degmada Luuq.
Ciidamadani Itoobiyaanka ayaa saldhigyo ka sameystay dhowaan qeybo kamid ah Gobolka Gedo, waxaana fariisimahooda ugu badan ay ku leeyihiin Luuq, waxaana weerarkii xalay lagu qaaday la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.
Lama sheegin weerarka khasaaraha uu dhaliyay lakin waxa uu dhacay xilli habeenimo saqdhexe ah iyadoo dhinacyada weerarka qaaday aysan weli ka hadlin.
Waa markii ugu [...]
Nuur Cadde oo ka codsaday Ururka Golaha Sanca in ay Ciidamo u soo diraan Soomaaliya.
Waxa uu codsigiisa ku saleeyay sidii ay Ciidamo wax ka qabta dhinaca Ammaanka ay Soomaaliga ugu soo diri lahaayeen maadaama iminka ay kusugan yihiin dalka keliya Ciidamo kasocda Midowga Afrika.
Hadalkani ayuu ka jeediyay kulan ka dhacay Khartuum oo ay isugu yimaadeen ururkani la isku dhoco Kulanka Sanca isla markaasina lagu lafa gurayay xaaladaha ugu dambeeya [...]
Geerida 10-ruux iyo dhaawaca 40-ruux oo ka dhashay duqeymo Muqdisho ka dhacay.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacayay Taleex, Hodan illaa tarabuunka waxaana Maleeshiyada TFG-da ee deegaanadaasi kusugan ay ka qeyb qaadanayeen dagaalka iyadoo dagaalkaasina uu sababay khasaare xoogan.
Lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac lakin dagaalka kadib ayaa waxaa bilowday madaafiic culus oo lagu garaacayo xaafado kamid ah Muqdisho.
Madaafiicda ayaa waxaa lagu garaacay qeybo ka [...]
Maxamed Dheere oo Hoygii uu deganaa ay Itoobiyaan la wareegeen.
Maxamed Dheere oo gurigaasi kusugnaa lakin isaga tegay kadib markii uu helay xogta ah in ay Itoobiyaan kusoo wajahan yihiin ayaanan la ogeyn halka uu aaday, waxaana daqiiqado kadib galay gurigaasi ookuyaalla agagaarka Xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Ciidamo aad u fara badan oo Itobiyaan ah.
Wararka ayaa xaqiijinaya in ay kasoo qaadeen Itoobiyaanka halkaasi hub [...]
Qarax aad u xoogan oo ka dhacay Xamar Jajab dhaliyayna dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxani ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Suuqyaraha Xamar jajab iyo sidoo kale Isgoyska Umbartooriyadii hore, waxaana uu dhacay xilli halkaasi ay soo marayeen maleeshiyo kuwa TFG-da ah oo kusii jeeday goob ay lacagaha baadda uga qaataan Gawaarida BL-ka.
Inta la ogyahay 3-qof oo labo ka mid ah ay yihiin maleeshiyada TFG-da ayaa ku [...]
Mukhtaar Roobow oo beeniyay in Gobolada dhexe ay Dariiqada Suufiyada kula dagaalamayaan.
Waxa uu sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwa Itoobiya ay kula jiraan xarakadooda isla markaasina Ciidamadii Itoobiyaanka loosoo geliyay dharka Soomaalida lagu yaqaan isla markasina ay la dagaalamayaan iyaga.
Itoobiya ayuu sheegay in saddex jabhad ay soo abaabuleyso oo ay dooneyso in dalka ay kusii heysato kuwaasina dagaalada ay u sii wadaan, waxaana 3-daasi jabhad sida [...]
Itoobiyaanka Guriceel la wareegay oo Hoobiyeyaal lagu weeraray.
Hadaba saraakiil u hadashay Xoogaga dalka ka dagaalama ayaa sheegay in habeenkii xalay ay Hoobiyeyaal ku weerareen halkaasi isla markaasina ay sii wadi doonaan weerarada gantalaha ah ee ay ku qaadayaan fariisimaha cusub ee Itoobiyaanka ay ka sameysteen deegaanka Guriceel.
Inkastoo xoogaga wax iskacaabinta ay ka sheeganayaan Madaafiicdaasi Guulo ayaa hadana aanu jirin wax war ah [...]
Madaafiic lagu garaacay qeybo kamid ah Muqdisho.
Goobahaasi lasheegay ayaa waxaa gaaray dadweyne fara badan iyo waliba Ex-Control Balcad waxaana halkaasi ay doonayeen in ay ka fiiriyaan ama ay ka xaqiijiyaan haddii warkaasi lasheegay run uu yahay, waxaana markii goobta ay gaareen lagu soo furay rasaas katimid dhankii ay kusugnaayeen iyadoo halkaasina uu ku geeriyooday mid kamid ah dadkii goobtaasi gaaray inkastoo [...]
