|

Maleeshiyada Puntland oo bilaabay dilka Culumaa’udiinka.

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo ahaa wadaad caan ka ah magaalada Boosaaso ayay maleeshiyada Puntland dilka ugu geysteen gudaha magaaladaasi kadib markii lasheegay in ay ka shakiyeen sida ay hadalka u dhigeen inkastoo aysan soo bandhigin wax cad oo muujinaya waxa ay ku cabanayaan oo shakiga ahaa.

Sidoo kale dad fara badan ayay Puntland u soo qab qabteen shakiga ku saabsan qaraxyadaasi ay ka qabaan dadka ka dambeeya iyadoo cabsi xoogan ay kajirta maanta magaalada Boosaaso oo ku aadan in dad kale oo horleh loo qab qabto qaraxyadii shalay ka dhacay Boosaaso.

Dhinaca kale Magaalada Hargeysa ayaa iyana ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay kadib qaraxyadii shalay halkaasi ka dhacay inkastoo aanan weli lasoo sheegin cid ay u qab qabteen arrintaasi lakin baaritaanno ay socdaan.

Tirada isku jirta oo labadaasi dhinac ku geeriyootay ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan illaa 25-ruux halka dhaawacyaduna ay gaareen 15-ruux, waxaana illaa iyo iminka aanu jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Somaliland iyo Puntland.

Jawaab ka tag