Bogga Hore » October, 2008 Qormo la daabacay “October, 2008”

Maleeshiyada TFG-da oo xirtay Imaam Masjid.

Maleeshiyada TFG-da oo xirtay Imaam Masjid.

Imaamkani ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Geelle, waxaana ay ka qabteen maleeshiyaadkani xilli uu marayay agagaarka Taalada SYL halkaasi oo uu ku akyaallo hotel Muna oo ay degaan mas’uuliyiinta TFG-da.
Maleeshiyada qabatay ayaa waxa ay kurideen rasaas kahor inta aysan qaban iyaga oo markaasi kadibna isaga oo aan goobtiisa ka dhaqaaqin soo qabtay lana aaday xarunta [...]

October 31 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Maraakibta Nato oo isku dayaya badbaadinta Markab Turki ah oo Burcad badeed Soomaali ah ay afduubteen.

Maraakibta Nato oo isku dayaya badbaadinta Markab Turki ah oo Burcad badeed Soomaali ah ay afduubteen.

Markabkani laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa waxaa saaran Bir ceyriin kaasi oo kayimid Canada kuna sii jeeday Wadanka China iyadoo kooxda Burcad badeeda Soomaalida ay ku afduubteen Gacanka Cadmeed.
Waxaa lasoo sheegayaa in Markabkaasi Kooxaha Burcad badeedka Soomaalida aysan weli la gaarin meel xeeb ah oo wado ay kusii jiraan iyadoo NATO ay dooneyso wadada in [...]

October 31 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Xoogaga Shabaabka iyo maamulka Sh/hoose oo kudhaw inay dagaalamaan.

Xoogaga Shabaabka iyo maamulka Sh/hoose oo kudhaw inay dagaalamaan.

Cabsidani ayaa waxa ay timid kadib markii dhowaan miino lagu dilay mas’uuliyiin fara badan oo katirsanaa maamulka Gobolka Sh/hoose gaar ahaan Nuuriye Cali Faarax iyo Carab kuwaasi oo ku geeriyooday miino gaarigooda loo dhigay oo ay kula kacday gudaha magaalada Marka.
Arrintani ayaa waxaa sabab u ah kadib markii xoogaga Kacdoonka gaar ahaan kuwa dhalinyaro diimeedka [...]

October 31 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Dowlado ka hadlay Qaraxyadii Puntland iyo Somaliland.

Dowlado ka hadlay Qaraxyadii Puntland iyo Somaliland.

Xogyaha Arrimaha dibadda mareykanka u qaabilsan Afrika Jandy Frazer oo shir jaraa’id Nairobi ku qabatay ayaa sheegtay in qaraxyadaasi ay aad uga xun yihiin isla markaasina loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo lakin waxa ay iyagu dusha ka saartay in ay ka dambeeyaan Ururka Alqaacidda sida ay sheegatay.
War kasoo baxay isna Xafiiska Xoghayaha guud [...]

October 30 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Maleeshiyada Puntland oo bilaabay dilka Culumaa’udiinka.

Maleeshiyada Puntland oo bilaabay dilka Culumaa’udiinka.

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo ahaa wadaad caan ka ah magaalada Boosaaso ayay maleeshiyada Puntland dilka ugu geysteen gudaha magaaladaasi kadib markii lasheegay in ay ka shakiyeen sida ay hadalka u dhigeen inkastoo aysan soo bandhigin wax cad oo muujinaya waxa ay ku cabanayaan oo shakiga ahaa.
Sidoo kale dad fara badan ayay Puntland u soo qab [...]

October 30 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Shirkii IGAD iyo Xubnihii Soomaalida ay maanta kuyesheen Nairobi oo qodobo laga soo saaray.

Shirkii IGAD iyo Xubnihii Soomaalida ay maanta kuyesheen Nairobi oo qodobo laga soo saaray.

Xarunta KICC oo uu ka socday Shirka IGAD ayaa waxaa fadhiyay Madaxweynaha Kenya Mwai KIbaki, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo shir gudoonka haya, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, Wakiil ka socda Dowladda Sudan , madaxweynaha TFG-da C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka TFG-da.
Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Axmedu Walad Cabdalla [...]

October 29 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Qaraxyo waaweyn oo maanta ka kala dhacay Boosaaso iyo Hargeysa.

Qaraxyo waaweyn oo maanta ka kala dhacay Boosaaso iyo Hargeysa.

Wararku ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwa Ismiidaamin ah iyadoo maantana Magaalada Hargeysa ay tahay Jawi kacsan iyo amakaag, iyadoo qaraxyada lala beegsaday ah ahaayeen saddex goobood oo baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay, waxaana tirada dadka ku dhintay ay haatan caga cageyneysaa ilaa 19ruux iyo dhaawaca 28 kale ay iyaguna gaarayaan [...]

October 29 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Buuq ka dhashay kulanka IGAD ay Nairobi isugu yeertay Xildhibaannada TFG-da.

Buuq ka dhashay kulanka IGAD ay Nairobi isugu yeertay Xildhibaannada TFG-da.

Kulanka ayaa markii uu Furmay waxaa Mudaneyaasha Baarlamaanka TFG-da looso xulay in ay u hadlaan illaa 5-kamid ah xildhibaanadaasi, waxaana ka hadlay shan Xildhibaan oo uu soo xulay Aadan Madoobe.
Shantaasi Xildhibaan ayaa waxa ay eedeyn dusha kaga tureen C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay sheegeen in siyaasadda uu dalka ku maamulayo aanu aheyn wax dan u [...]

October 29 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Nuuriye Cali Faarax oo Qarax Miino lagu dilay.

Nuuriye Cali Faarax oo Qarax Miino lagu dilay.

Taliye ku xigeenka booliska Sh/hoose oo ahaa mas’uulka mar waliba ilaalin jiray ammaanka hey’adaha Samafalka marka ay Gobolka Sh/hoose hawlo ka qabanayaan ayaa manta lagu dilay qarax Miino.
Nuuriye Cali Faarax ayaa ku geeriyooday Miino lala eegtay gaari ay saarnaayeen isaga iyo mas’uuliyiin kale, waxaana halkaasi kula geeriyootay Nuuriye labo kale oo kamid ah Maamulka Sh/hoose.
Sidoo [...]

October 28 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Degmada Dharkinleey.

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Degmada Dharkinleey.

Qaraxani oo ahaa mid loo adeegsaday miinada meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Tabakaanya Madow iyadoo lala beegsaday Taliyaha Saldhig galbeed ee Degmada Dharkinleey inkastoo aanu isagu wax gaarin.
Lakin wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadii saarneyd gaarigiisa ay labo kamid ah halkaasi ku dhaawacmeen halka darowalkiina oo markii hore dhaawac culus [...]

October 28 2008 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda | Sii aqri »