TV-ga Itoobiya oo si qaldan u fasiray Heshiiska Jabuuti.
Waxa uu sheegay TV-gaasi in go’aannada kasoo baxay heshiiskaasi uu kamid yahay in Ciidamada Itoobiya marnaba aysan kasoo bixin Soomaaliya, in ay kasii shaqeeyaan kahortagga waxa ay kusheegeen Argagixisada Soomaaliya, in ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Maamulka TFG-da si ay uga badbaado mucaaradka kasoo horjeeda ee argagixisada lashaqeeya sida laga sheegay TV-ga Itoobiya oo habeenkii xalay warbixin ka diyaariyay Heshiiska Jabuuti ka dhacay.
Hadaba TV-gaasi ayaa qodobadii shirkaasi oo idil ku tilmaamay ama u aqriyay sida ay doonaan iyadoo arrintaasina ay xalay si aad ah ula yaabeen dad fara badan oo daawanayay TV-ga Itoobiya.
Dadka qaar ayaa waxa ay shaki geliyeen in waxa laga aqriyay TV-ga Itoobiya uu yahay wax saxsan oo lagu qaldayo waxa kale dadka Soomaaliyeed sida ay dadka qaar aaminsan yihiin.
Inkastoo dadka ay shakigaasi qabaan ayaa hadana Madaxda Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in qodobada heshiiska uu yahay kuwa dhaxal gal ah isla markaasina iyaguba aysan u soo qaadeynin wax aysan ku qanacsaneyn shacabka ay matalaan.
TV-ga Itoobiya uma ahan markii ugu horeeyay oo ay baahiyaan warbixinno qalad ah una baahiyaan sida ay doonaan inkastoo cidda ay quseysana aysan marnaba wax jawaab ah ka bixin.

horta tv xabashida ma qaldana oo wixii aad saxiixdeen ayuu qoray marka ha idiinka saarto shacabka waa idiinka tashaday jihaadkana waa soconayaa idinkana waad canbaareysan tihiin oo idiinkoo duleysan aduunka sarnaada.
qaarkiin in aad ka qariseen shirqoolka aad saxiixdeen waa lala socdaa oo ay kabtey maaragtay ku dhacday markaad saxarada ka wareegteen.
halkaa haku dhamaado shaqadii la idiin soo tababaray
Waa yaabe ma Tv-ga Ioobiya ayaa been sheegay Mase Goobjoog? waxay ila tahay haddii heshiisku yahay kii aan arkay… dadkuna wada arkeen… inuu sax yahay warka uu teleefishinka Itoobiya sheegay.
Haddii web-site goobjoog uu haayo nuqul kale oo heshiiska ah oo nimcada ay sheegaayaan ay ku qorantahay, fadlan noo soo gudbiya, hoostana ka xariiqa meesha Itoobiya qasab uga dhigaysa inay ciidankeeda kala baxdo soomaaliya, waxaan hubaa inaad ka xog-ogaalsantihiin dad badan!!
Ma moodayn in ay xayaysiin kale u hartay shirka Jabuuti.. laakiin horaa loo yiri haddii aadn xishoonayn waxaad doonto sheeg.
Waa dhab in war baahinta Itoobiya ay been badan tahay.. laakiin waxaan ka xumahay markaan iyagoo beenaayaal ah inay run sheegeen!!!!!!!
A/C:
Horta Itoobiyaa yaa keenay dalka,anigu waxan qabaa itoobiya in aan cidna keenin ee uu keenaya danbi aynu dhexdeena iska galay,waana taas sababta alle inoogu soo saliday Tigree qudhun ah,Balse waxaa ka liita dadka aan wali allihii abuurtay u soo noqon oo ah Somali.Insha allaha waa ka guulaysan doonaa kufaarta oo idil marka la helo dad iimaan run ah la yimi.Balse inta Mooryaan ama mid la mid ihi leeyahay diin baan u dagaalamayaa isagoo wali ku dhexjira danbigii uu shalay galay,waxa inoo hagaagayaa ma jirto Somaliyey ee aan ilaahay u noqon oo aan ilaahay u noqono oo aan ilaahay u noqono.War waa aragnaa meesha qurun Hawiye,qurun Daarood,qurun Digil iyo Mirifle,iyo quruna kale oo aanan garanayna had,qurun Isaaq inaguma jiro oo iyagu waa kuwaa goonida u ooyaaya ay ina hogaaminayaan walee waa ka sii daraynaa ee Somaliyeey ani ilawno qabiilka oo aynu raadino qaranimadeen.
walaal heshiiskaan maqancinaayo dad raba sed bursi iyo xaaraan kunaax
c/dulaahi yuusuf beerlaawe heshiis buu itoobiya lasoo galay waa in itoobiya bad heshaa taasina ku farxi mayso itoobiya inay baxdo mdo cayiman cabdulaahina waa ogyahay haday itoobiya baxdo isagana waa baxay
2.jenaraal sheeq indhocade heshiiskaan maqancinaay waxuu rabaa inuu shabeelada hoose ku noqdo haday yimadaan ciidanka unka ogalaan mayaan hogaamiye kooxeed xoog k haysta meel uusan udhalan
3.bare hiiraale sooma dhawaynaayo heshiiskaan waayo kismaayo gacantiisa ayey kabaxaysaa
4.sheeq xasan daahir iyo sheeq xasan turki soo dhawayn maayaan sababtuna waa dad ladoonayoo ciidamada ioobiya ayey kafakadeen laakiin kuwaan imaanaayo weli wayraadin doonaan waayo kuwaan waxaa laga yaabaa in maraykan kujiro
5 madaxwaynaha ereterya soo dhaweeyn maayoo waxaa kufurmaayo furin cusub oo itoobiya isagay usoo jeesan doontaa
6 baarlamaanka imbigaati qaarkii ay itoobiya kusoo dartay baarlamaankaas o jagadooda waynaayo iyaguna maso dhawaynayaan
hadaba waxaan ku leeyahay goob joogoow mawaxaan dooranaa danteena mise danta umada soomaaliyeed ee
Waxaan la yaabanahay warbaahinteena hadba meeshii danta koox ama qabiilkoodu aado iyaduna isku shubta. Hadalka laga soo xigtay TVga Ethopia waxa uu iga xaqiiqo dhawyahay warka mal mahan Goobjoog iyo warbahinta qaar ee Somalidu buun buuninayaan. Billahi Caleykum, waxa ay noo soo qaadeen Madaxdeenii hogaamineysay shirka Jibouti miyaad ku tilmaanteen mid dhaxal gal ah, Inaa lillahi wa ina ileyhi Raajicuun.
Reer Goobjoog alle ka yaaba C/raxmaan Cabdi shakuur iyo rag la mid ah inta aad nin jecleysaneysaan beeta iyo jah wareerka ka dhaafa Umada.
yaa run sheegaya yaase been sheegaya?runtu waa allah cazawajalla,runtu waa qafuur raxiimka,runtu waa naxariista eebe,haddaba runta waxaa lagu qeexaa 99ka magac ee ilaahey.
hadaba umada soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa in amxaaro runta ka dheertahay oo ay dooneeyso in ay soomaalida islaamka ah oo ukala safan labada qeybood in ayisku dhamaadaan ka dibna ay la wareegaan guud ahaanba dhulka soomaaliyeed,balse alle ma oran
waxaan u soo jeedinayaa cid kasta oo xil ka heysa dowlad ku sheega in ay iscasilaan waayo ma aha dowlad ku dhisan rabitaanka shacabka soomaaliyeed,shacabkuna aysan la shaqeyn,xataa waa xaq daro in ay bixiyaan canshuur,waayo waxaa lagu soo iibinayaa hub laidinku gumaado.
maxkamadahana waxaan ka codsanayaa in aysan dilan kuwa laciifka ah oo la shaqeeya amxaarada balse ay wax u sheegaan,waxaa dhici karta in ay noqdaan abuubakar al sadiiq oo kale nabad iyo naxariis ha ahaatee.
Tv ga ayaa qalad fasiray ee hishiisku sidaas ma ahayn wixii qarsoonse maxaa shacabka ogaysiiyay ma uur ku baallaa? waa yaab umad wada siyaasiya!!! wixii muuqda aan xukminno wixii qarsoonna ninkii qariyay ha loo daayo war jiraba cakaaruu iman.
Itoobiyaan waxaa rabeen in isbahaysigu xanaaqo oo shirka ka baxo, si eedda loo saaro isbahaysiga iyaguna gumaadkooda sii wataan.
kaakiin Ilaahay towfiiqda uu waafajiyay isbahaysida ARS markuu xanaaqi waayay
oo hisiiskii xudeebiya oo kale saxiixay
markaas ay Itoobiyaanku xanaaqeen
bilaabeen faafinta beenta
Ilaahay ha guuleeyo isbahaysiga ARS
kuwa diidanna ilaaheey ha soo hanuuniyo
aamiin aamiin aamiin
soomaali waxaan u hayaa talo fiican taladaas oo ah ? SOOMAALIYEEY MAWAXAAD RABTAAN XAL MISE XABAD HADII AY JAWAABTA TAHAY XAL WAA IGATALO HALASOOCELIYO( 5 GOLAHA SARE ) HANA LAGADHIGO SACAD SARUUR SALEEBAAN CEER IYO ADEERKOOD DUDUBLE( 5) GOLAHA SARE MARKAAS WAA LAHELAYAA NABAD IYO CAANO DABAQYADII DHAA DHEERAANE HALA DHISO HABAR /GIDIRNA YAAN LAGADABA QAADAN HADIIKALE XAALADA MADAGAYSO WAA IGA TALO BYYYYYYYYYYYYYYY
TV GA ETHIOPIA SIDUU SHEEGAY WAA SAX , SIDAAS AYAYNA ETHIOPIA AAMINSAN YIHIIN, SOMALIA INAY IYAGU ISKOOD UGA BAXAAN MOOYEE IN BILO GUDAHOOD KAGA BAXA LA DHAHO MA RABAAN ETHIOPIA.