Jabuuti oo Maanta shirkii lagu balansanaa ka furmaya.
Shirka ayaa maanta waxa uu yahay mid si aad ah loo hadal hayo iyadoo rajada ay ka qabaan shacabka marka loo eego waxa kasoo bixi doona uu u muuqdo mid lagu kala aragti duwan yahay.
Mas’uuliyiin ka kala socota Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Dowladda TFG-da ayaa lagu soo warmayaa in ay kusugan yihiin wadanka Jabuuti iyaga oo isku qaban qaabinaya saakay ka qeybgalka furmitaanka shirka wada hadalka ah ee u furmaya labadaasi dhinac.
Warar ayaa sheegaya in C/llaahi Yuusuf uu kamid noqon doono mas’uuliyiinta TFG-da ee shirkaasi ka qeybgaleysa inkastoo warkaasi aanu la xaqiijin hayeeshee Mas’uuliyiin kasocda dowlado carbeed ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeybgelidoonaan Shirkasi, waxaana kamid ah dowladaha Yeman, Masar iyo wadamo kale oo horey u ballan qaaday isgarabtaagga Shir waliba oo lagu falanqeynayo sidii dalka Soomaaliya dhibta looga saari lahaa.
QM ayaa horey u sheegtay in ay dooneyso in miro dhal ay ka dhigto shirkani Jabuuti ka furmaya maanta waxaana goobjoog ka noqon doona shirka halka uu ka dhacayo Kormeereyaal Caalami ah.
Ajendaha ugu weyn ee Shirka marka uu furmo looga hadli doono ayaa ah sidii dalka ay uga bixi lahaayeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo dhameynta mucaaradaa ka dhaxeysa TFG-da iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana shirkaasi iyo sida uu u furmo aad kala socon doontaan maanta wararkeena soosocda Inshaa Allaah.
