Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur), C/llaahi Xasan Bariise iyo rag kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii shalay hubkooda ku wareejiyay Ciidamo Itoobiyaan ah kadib kulan ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligii laga qaadayay Hubka waxaa lagu wargeliyay in ay keliya qaataan hal gaari [...]
Maamulka G/banaadir oo Hubka Laga Dhigay
Maamulka TFG-da ee G. Hiiraan oo la Badalay.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa loo magacaabay mudane Max’ed Axmed Max’ed, Ku xigeenkisana waxaa laga dhigay Suleymaan Axmed Hilowle degmada Baladweyne waxaa loo magacaabay Gashaanle Sare Saalax Muumin Muuse Yacquub waxaana isna kuxigeen looga dhigay Salaad Xasan Cabdi.
Duqa Magaalada Baladweyne waxaa loo magacaabay Aadan Cabdi Ciise Garaase Taliyaha Ciidamada gobolka Hiiraan Waxaa loo magacaabay G/sare Axmed [...]
Qarax aad u xoogan oo Itoobiyaanka Baydhabo lagula beegsaday.
Sidoo kale Illaa iyo 15 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday Tacshiirado ay fureen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaana rasaastaasi ka dambeysay in ay qab qabtaan dad aad u fara badan.
Dadka dhintay ayaa waxaa ay isugu jireen kuwo ku sugnaa goobohooda ganacsi kuwaasi oo ay rasaastu ugu tagtay goobohooda ganacsi iyo [...]
C Yuusuf oo Badalaya 3 Wasaaradood.
Madaxweynaha ayaa sababta uu u badalayo lagu sheegay kadib markii Wasiirrada qaar ay hawshooda soo wajahday daciiftinimo gaar ahaan kuwa madaxda u ah Ciidamada Ammaanka iyo Militariga dowladda oo dagaallo ay maalimihii lasoo dhaafay ay la galeen Xoogagag kasoo horjeeda loogu itaal sheegtay sida wargeyska Alsharqal Awsat uu qorayo.
Mas’uul katirsan xafiiska Madaxweynaha oo qadka telefoonka [...]
Shiinaha oo Xiriir Ganacsi aanan la Sameyn Karin Soomaaliya.
Shirka ka dhacay Bakiin ayaa waxaa heshiis kula galay halkaasi dowladda Shiinaha illaa 21-dowlad Carbeed marka laga reebo Soomaaliya oo aanan laheyn Wasaarad Ganacsi oo heshiisyo la geli karta Dowlado waaweyn kadib markii la waayay cid kalsooni buuxda siisa Soomaalida sida lagu soo daabacay wargeyska lagu magacaabo ALWATAN ee kasoo baxa wadanka Kuweyt.
Dowladda Shiinaha ayaa [...]
Goobjoog iyo Wejiga Cusub
Akhristeyaasha qiimaha leh ee goobjoog,
Boggan Goobjoog sida aad u aragteen waxa ku dhacay isbeddel aan yareyn.
01Marka hore waxaan ka guurnay serverkii hore oo dhibaatooyin badan sababi jiray, taasi waqti iyo juhdi badan ayay nagu qaadatay.
02Tan labaad CMSka aan isticmaali jirney ayaan beddelnay oo mid cusub ayaan u guurnay, sidaas awgeed waxaad arki kartaan inuu [...]
Itoobiyaan Lagu Weeraray Jaalle Siyaad ilaa 77.
Qaraxaasi ayaa waxa uu ahaa Miino Nooca Meelaha fog laga hago waxaana lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka oo iyagu marayay labadaasi xarumood inta u dhaxeysa.
mid kamid ah dad goobjoogeyaal ah oo Xaafadda Raadaarka kusugan ayaa u sheegay GOOBJOOG in uu isaga indhaha saaray dhaawacyada Askar fara badan oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo la saaray gawaarida Uralka, [...]
Afhayeenkii TFG-da Balcad oo is Casilay.
Xasan Kacaan oo wareysi siiyay Idaacadaha Muqdisho oo iscasilaaddiisa uu kusoo bandhigay ayaa waxa uu sheegay in uu isku casilayo kadib markii uu arkay xasuuqa loo geysanayo Shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in dadka la laynayo ay yihiin dad gaar ah sida uu hadalka u dhigay taasina ay ku qasabtay in uu jagada afhayeennimo iska [...]
TFG-da oo Maamul Cusub Hiiraan u Sameysay.
Muuse Nuur Amiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka TFG-da ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Gudoomiye cusub oo uu yeesho Gobolka Hiiraan kaasi oo aanu weli warbaahinta loo shaacin laakin GOOBJOOG ay ka heshay ilo wareed kudhaw wasaaradda Arrimaha Gudaha TFG-da.
Dhinaca kale Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo C/kariim Faarax laqanyo oo kasoo wada jeeda Gobolka [...]
Xoogagga Maxkamadaha oo Roondo ka Sameeyay Baladweyne.
Xoogaggaasi oo ku hubeysnaa Hubka Baasuukeyaasha, BKM-yada iyo kuwa kale ee fud fudud ayaa waxa ay bartamaha magaalada ka baadi goobayeen burcadda ka qawleysata ee Mobaylada dadka ka qaadata.
Xoogaggaasi ayaa markii dadku ay arkaan waxa ay u sheegayeen in aysan nixin oo keliya ay ka shaqeynayaan Ammaanka Magaalada oo burcadda ay ku badatay, waxaana la [...]
